Fortsätt till huvudinnehåll

Inlägg

Nya inlägg

Weydiintii warcelinta heshay! WQ, Cabdicasiis qalin-dhuux

Weydiintii warcelinta heshay! WQ, Cabdicasiis Qalin-dhuux

WQ, Cabdicasiis Qalin-dhuux 13/06/2022 Hargeysa, Somaliland    Weydiintii warcelinta heshay!  --------------------------------------------------------------------  Siciid Jaamac Xuseen (IHN) Adeer Siciid Jaamac Xuseen Xirsi — Rabbi haw janno goglo e — sida looga wada marag-kacay, wuxu ahaa shakhsi noociisu dhif iyo naadir ahaa oo kalfuran. Balse iminka kama hadlayo shakhsiyaddiisii xaruurta ahayd ee waxaan rabaa inaan idiin faa'ideeyo weydiin aan weydiiyey warcelinteedii uu I siiyey oo noqon karta warcelin waafi ah oo inooga jawaabta weydiimo inaga dhex guuxaya. Sida aynu ognahay, hoggaamiyayaashii Soomaaliyeed ee ina soo maray waxa ay u badnaayeen dad iyaga oo da'dii 20-30ka ku jira saamayn siyaasi ah iyo mid aqooneed sameeyay. Nidaamyadii dowladeed ee kala danbeeyayna ku suntanaa dadkii sargooyey aragtida siyaasadeed ee bulsho, ha hanaqaadi waayaanba e. Tusaale waxaa inoogu filan Raysalwasaare iyo Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Ahun, wuxu hoggaankii ururkii SNL

Kushada iskuna tashada “Waagii baryow walalac. Dhallinyaroy toosa. Iska-hadlow ina Igarre ma aha”. W/Q, Cali Cabdigiir

Xus iyo Xasuus Kooban Marxuun Sooraan: Aragtidiisii Kowaad, Tii Iigu Dambaysay iyo Sooyaal Gaaban. W/Q, Siciid M Gahayr